Israa’iil oo diyaarad ku duqeysay isbitaal ku yaalla Qaza

0
361

Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa diyaarad aan duuliye lahayn ku weeraray isbitaalka Kamal Adwan Hospital ee Qaza.
Duqeyntan ayaa ah midii Shanaad ee xaruntaasi lala eegtay toddobaadyadii ugu dambeeyay.
Dhanka kale , wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegaysa in 24-kii saacadood ee la soo dhaafay gudaha Qaza lagu dilay ugu yaraan 36 Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 100 kale.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , duullaanka militari ee ay weli Israa’iil ka wado Qaza waxaa ku nafwaayay in ka badan 44,502 qof iyadoo muddadan gudaheeda la dhaawacay 105,454 kale.