5 qof oo ku dhintay shil ka dhacay Nakuru

0
146

Waxaa la xaqiijiyay in 5 ruux ay ku dhinteen shil xalay ka dhacay aagga Subukia ee ismaamulka Nakuru.
Dhowr qof oo kale ayay dhaawacyo culus soo gaareen sida laga soo xigtay Norman Macharia oo ah guddoomiyaha Subukia.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in baabuur xamuul oo alwaax siday uu waddada ka baxay ka dibna uu jiiray labo ruux oo mooto saarnaa ka hor inta uunan ku dhicin qof kale oo waddada gudbayay.
Shacabka ayaa dowladda ugu baaqay in ay baaritaanno ku sameyso dhacdooyinka shilalka ee waayihii dambe ku soo badanayay waddada wayn ee u dhexeysa Nakuru iyo Nyahururu.