4 qof oo lagu dilay Qaza

0
228

Afar qof oo u dhashay Falastiin ayaa lagu dilay weerarro ay Israa’iil ka fulisay Waqooyiga Qaza.
Labo ka mid ah dadkan ayaa lagu dilay Beit Lahiya halka labada kalena ay ku nafwaayeen weerar bambo loo adeegsaday .
Weerarka labaad ayaa lala eegtay dhisme ka kooban afar dabaq oo ku yaalla magaalada Qaza.
Tani ayaa tirada dadka lagu dilay Qaza intii uu waaga baryay ka dhigaysa 8 ruux.