Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa shacabka iyo siyaasiyiinta dalka u soo jeediyay in ay deganaansho muujiyaan oo laga fogaado in weerar dhanka afka ah lagu qaado garsoorayaal dhawaan waxba kama jiraan ka soo qaaday qorshaha sharci beddelka ee BBI.
Ra’iisul wasaarihii hore ee wadanka ayaa arrinkan ka hadlay ka dib kulan uu la yeeshay guddoomiye ku xigeenka xisbiga Jubilee David Murathe iyo xoghayaha guud ee daladda ururrada shaqaalaha ee COTU, Francis Atwoli .
Raila Odinga ayaa sheegay in shakhsiyaadka hormuudka ka ah hindise sharciyeedka BBI ay maxkamadda racfaanka u gudbin doonaan dacwad ay kaga soo horjeedaan go’aankii maxkamadda sare.
Waxaa uu sheegay in taageerayaasha qorshahan aynan ku farxin amarka maxkamadda balse uu ku baaqayo in la is xakameeyo oo aan si cad xakiinada loo dhaliilin.
Mr. Odinga ayaa xusay in dimuqraadiyaddu ay ku saleysan tahay nabad galyo iyo isqadarin xita hadii la kala aragti duwan yahay.
Madaxa xisbiga ODM ayaa dhanka kale taageerayaashiisa siyaasadeed ka codsaday in ay ixtiramaan xuquuqda Kenyaanka kale.
Garsoorayaasha ku dhawaaqay in geeddisocodka BBI uu yahay mid sharci darro ayaa kala ah Prof. Joel Ngugi, George Odunga, Jairus Ngaah, Chacha Mwita iyo Matheka Mumbua .
Xaakinnada ayaa isku raacay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu sameeyay xadgudub dastuuri ah maadaama uu qayb ka noqday qorsho lagu beddelaya xeerarka wadanka lagu maamulo.