Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa dowladda ku eedeeyay inay ka dambeysay shaqaaqadii maalmo ka hor ka dhacday deegaanka Limuru ee ismaamulka Kiambu.
Rabshadaasi ayaa la soo tabiyay xilli mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ay ka qayb galayeen munaasabad aas ah.
Kalonzo ayaa xusay in garabka mucaaradka ee dalka uu falkaasi si kulul u cambaareynaya.
Tani ayaa imaaneysa iyadoo adeegga qaran ee booliiska dalka ee NPS uu sheegay in la guda galay baaritaanno ku aaddan shaqaaqadii dhacday, si tallaabo sharciyeed looga qaado ciddii ku lug lahayd.