Mudavadi oo sheegay in adeegsiga E-Citizen uu yareeyay musuqmaasuqa

0
399

Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Musalia Mudavadi ayaa sheegay in adeegsiga barta casriga ee E-Citizen uu yareeyay falalka musuqmaasuqa ee sida uu hadalka u dhigay ka dhex jiro waaxyaha dowladda.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in bartan loogu talagalay in shacabka ay si fudud uga helaan adeegyada aasaasiga ah ee ay dowladdu bixiso.
Mudavadi ayaa sheegay in isticmaalka E-Citizen la sii xoojiyay ka dib markii dadweynaha ay cabasho ka muujiyeen in ay culeysyo kala kulmaan helidda adeegyada.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhankiisa madaxda fulinta ee waaxyo gaaraya 24 u qabtay muddo toddobaad ah oo ay adeegyadooda ugu wareejinayaan bartan haddii kale ay u furan tahay keliya in ay is casilaan.