Taliye sare oo ka tirsan militariga Shiinaha oo shaqada laga istaajiyay

0
396

Dowladda Shiinaha ayaa si ku meel gaar ah shaqada uga joojisay sarkaal sare oo militari ah ka dib markii lagu eedeyay inuu ku kacay xadgudubyo waawayn oo dhanka habdhaqanka ah.
Wasaaradda difaaca ee xukuumadda Beijing ayaa maanta sheegtay in shaqada laga istaajiyay Miao Hua oo ahaa agaasimaha dhanka siyaasadda ee guddiga dhexe ee difaaca.
Guddigan ayaa kormeer ku sameeya ciidamada qalabka sida ee Shiinaha.
Waxaa uu wajahaya baaritaano ku saabsan musuqmaasuqa.
In kastoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin go’aankan haddana shakhsigan ayaan shaqadiisa sii wadan doonin ilaa inta laga soo gabagabeynaya baaritaannada ka dhanka ah.
Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay xoojiyay ololaha ka dhanka ah musuqmaasuqa.
Laga soo billaabo sanadkii 2023-kii waxaa xafiisyada laga saaray ku dhawaad 20 isugu jira howlwadeennada wasaaradda gaashaandhigga oo ay ka mid yihiin wasiirro iyo saraakiil militari.