Dowladda oo sheegtay in ku dhawaad 6,000 oo qof ay shaqooyin ka heleen qurbaha

0
134

Wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka Dr. Alfred Mutua ayaa sheegay in 5,931 qof oo kenyaan ah ay shaqooyin ka heleen dibadda.
Tani ayaa suurtagashay laga soo billaabo xilligii ay dowladda dhexe daahfurtay barnaamij nidaamsan oo dhallinyarada shaqo la’aanta ah lagula xiriirinaya shirkadaha shaqaaleysiinta.
Dr. Mutua ayaa hoosta ka xarriiqay in qorshahan looga gol-leeyahay in lagu xalliyo caqabadda shaqo la’aanta ee ka jirta gudaha waddanka.
Waxaa uu sheegay in dhallinyarada fursadahan helay ay ka soo jeedaan ismaamullada Machakos (752), Makueni (410), Kitui (901), Nakuru (2,516), Baringo (640), iyo Nyandarua oo ay tiradaasi tahay (925).