Hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo ku baaqay in laga takhaluso Netanyahu

0
379

Hoggaamiyaha sare ee dalka Iiraan Ayatollah Cali Khamenei ayaa sheegay in xalka uunan ku jirin in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu loo jaro warqad lagu soo xiraya balse la doonaya in laga takhaluso.
Baaqan ayuu jeediyay xilli uu la hadlayey xubnaha ciidamada sida militariga u tababaran ee Basij .
Tani ayaa timid maalmo un ka dib markii maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da ay soo saartay warqad lagu soo xiraya shakhsiyaad uu ka mid yahay Netanyahu oo ku eedeysan dembiyo dagaal.
Khamenei ayaa xusay in isbitaallada , bulshooyinka iyo guriyaha shacabka Qaza iyo dalka Lebanon oo la duqeeyo aynan ahayn guul la gaaray balse ay tahay dembi dagaal oo la gaystay.