Warbixin ay soo saartay qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in maalin kasta la dilo 140 qof oo isugu jiro haween iyo gabdho.
Waxaa dilalkan gaysta dad ka mid ah xubnaha qoysaska dumarkan mise ay aad isugu dhow yihiin.
Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa laga soo xigtay in sanadkii hore ee 2023-kii la dilay 51,100 oo ah haween iyo gabdho halka sanadkii ka sii horreeyay ee 2022-kii tiradan ay ahayd 48,800 .
Warbixinta oo maanta la soo bandhigay waxaa ku cad in 10-kii daqiiqaba laga takhaluso haweeney mise gabadh.
Waxaa inta u dhexeysa 25-ka bishan ilaa 10-ka Diseembar la qabtaa ololaha 16-ka cishe ee ka dhanka ah tacaddiga jinsiyadeed.
Qaaradda Afrika sanadkii hore waxaa ka dhacay dilal noocani ah oo u dhigma boqolkiiba 2.9 marka lagu qiimeeyo 100,000 ee ruux.
In kastoo boqolkiiba 11.8 ee ragga la dilo haddana haweenka ayaa la kulmo dhimashada ugu badan oo ah boqolkiiba 60.2.
Gudaha dalkani Kenya , adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa horay u sheegay in saddexdii bilood ee ugu dambeeyay keliya la diiwaangeliyay dilalka haweenka iyo gabdhaha oo gaaraya 97.