Hoggaamiyaha dalka William Ruto ayaa dadweynaha kula taliyay in ay iska diiwaangeliyaan caymiska cusub ee caafimaadka bulshada ee loo yaqaano Taifa Care.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tallaabada ugu horreysa ee qofka muwaadinka ah laga doonayo inuu qaado ay tahay is-diiwaangelin ka hor inta uunan ka caban ama dhaliilin nidaamkan.
Ruto ayaa tilmaamay in tani ay suurtagelinaysa in la xalliyo culeysyo badan oo dhanka caafimaadka ah.
Waxaa uu dhanka kale rajo wanaagsan ka muujiyay in nidaamka cusub ee caymiska lagu guulaysan doono isagoo cadeeyay in la dhameystiraya bixinta deymihii NHIF ee isbitaallada.
Madaxweynaha dalka ayaa arrintan ka sheegay ismaamulka Kericho oo uu maanta uga qayb galay munaasabad kaniiseed.
Dhanka kale , xoghayaha wasaaradda caafimaadka ee dalka Mary Muthoni ayaa xaqiijisay in dowladda ay diyaar u tahay in ay xalliso tabashooyinka ay kenyaanka ka muujinayaan adeegsiga caymiska cusub ee SHA.