Wasaaradda caafimaadka ee dalka Lubnaan ayaa ku eedeysay militeriga Israa’iil in uu fuliyay dambiyo dagaal oo ka dhan ah shaqaalaha iyo xarumaha caafimaadka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Israa’iil ay duqayn ku dishay agaasime isbitaal oo ku yaalla waqooyi bari ee waddanka Lubnaan.
Sidoo kale , shan ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ayaa lagu dilay koonfurta dalkaasi.
Dhanka kale, madaxa hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo weerarrada ay Israa’iil ka gaysaneysa isbitaalka Kamaal Adwan ee marinka ee Qaza ee dalka Falastiin.
Tan iyo bishii Tobnaad ee sanadkii hore , waxay Israa’iil dalka Lebanon gudihiisa ku dishay ugu yaraan 3,645 qof iyadoo la dhaawacay 15,355 kale.
Dhanka Qaza, tirada dhimashada ayaa ah in ka badan 44,056 ruux halka dhaawaca uu yahay 104,286.