2 burcad ah oo lagu dilay Ukunda ismaamulka Kwale

0
458

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in saraakiisha ammaanka ay labo qof oo burcad hubeysan ah ku dileen magaalada Ukunda ee ismaamulka Kwale.
Labada qof ee burcadda ayaa lagu amray inay isu dhiibaan ciidamo roondooyin ka sameynayay goobtaasi balse ay ka dhaga adeegeen.
Waxaa la rumeysan yahay inay qayb ka yihiin burcad dambiilayaal ah, oo dhibaateyn jiray dadka daggan Diani ee deegaanka Msambweni oo ka tirsan ismaamulka Kwale, kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyay dhibaatooyin halkaasi ka geysanayay.
Burcadda ayaa ku hubeysnaa mindiyo, baangado iyo qoryo.
Waaxda dambi baarista ee DCI-da ayaa barteeda rasmiga ah ee Twitter-ka ku sheegtay in khubarada hubka ay hadda baaritaano dheeraad ah wadaan.
Waxaa ay sidoo kale saraakiisha soo heleen taleefannada gacanta oo la rumeysan yahay in burcadda ay ka dhaceen dadka deegaankaasi.
Meydadka labada qof ee la dilay ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee ee ismaamulka Kwale si loo aqoonsado.
Xafiiska DCI ayaa xubnaha bulshada ku boorriyay inay ku soo wargeliyaan fal dambiyeed walbo oo dhaca iyagoo soo wacaya nambarka 0800 722 203 ee loogu tala galay in lagu soo gudbiyo warbixinnada ku saabsan falal dambiyeedyada si tallaabo degdeg ah loo qaado.