Dadweynaha ku nool ismaamulka Mandera ee gobolka waqooyi bari ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay go’aan xalay ka soo baxay maxkamadda sare ee wadanka oo ka dhan ahaa qorshaha sharci beddelka ee loo yaqaano BBI.
Qaar ka mid ah dadweynaha ayaa arrinkan soo dhaweeyay halka kuwa kale ay xaakiinada ku dhaliileen.
Maxamuud Maxamad Sheekh Lafagari ayaa faahfaahinaya
Dhanka kale qaar ka mid ah dadweynaha ismaamulka Kajiado ayaa dalbanaya in uu is casilo ama xilka laga qaado xeer ilaaliyaha guud ee dalka Paul Kihara Kariuki.
Soo jeedintan ayay u aaneeyeen in maadaama Mr. Kihara uu yahay la taliyaha dhanka sharciga ee dowladda uusan tallaabo qaadin xilligii madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ay billaabayeen qorshaha BBI oo ay xalay garsoorayaasha maxkamadda sare su’aal geliyeen sharcinimadiisa.
Shacabka qaar ayaa dalbaday in la soo celiyo lacagihii dadweynaha ee loo adeegsaday howlaha BBI
Xaakinnada ku dhawaaqay go’aanka waxba kama jiraan looga soo qaaday hannaanka BBI ayay shacabka Kajiado ku tilmaameen geesiyaal garab istaagay muwaadiniinta dalka.
Guddi ka kooban 5 garsoorayaal ah oo ka tirsan maxkamadda sare ee wadanka ayaa sheegay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu sameeyay xadgudub dastuuri ah sidaas awgeedna cid kasta ay dacwad ku soo oogi karto.
Waxay isku raaceen in hoggaamiyaha dalka uusan awood u lahayn inuu billaabo ama qayb ka noqdo qorsho sharci beddel ah.
Garsoorayaasha xalay go’aankan soo saaray ayaa kala ah Joel Ngugi, George Odunga, Jairus Ngaah, Teresia Matheka iyo Chacha Mwita
Madaxweynaha dalka ayay maxkamaddu sheegtay inuusan ilaalin farqada 131-aad qaybta labaad ee dastuurka wadanka sidaas awgeedna uu ku guul dareystay tixgelinta xeerarka wadanka lagu maamulo.
Xaakiinada ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ka soo qaaday isbeddellada lagu sameeyay soo jeedinnada la xiriira sharci beddelka.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada wadanka ee IEBC ayaa lagu dhaliilay dhammaan go’aamadii uu arrinkan ka qaaatay oo ay ka mid tahay xaqiijinta saxiixyadii shacabka laga soo uruuriyay.
Maxkamadda ayaa go’aankan ku saleysay in ay weli bannaan yihiin qaar ka mid ah jagooyinka sare sare ee IEBC sidaas awgeedna guddigu uunan waqti xaadirkan qaadan karin go’aamo masiiri ah.
Sidoo kale garsoorayaasha ayaa sheegay in xilligii la soo uruurinayay saxiixyada lagu taageeray sharci beddelka uusan jirin xeer dastuuri ah oo la adeegsaday.
Maxkamadda ayaa guddiga IEBC ka hor istaagtay inuu qabto afti dastuurka lagu beddelaya ilaa iyo inta si buuxda looga qaybgelinaya shacabka.
Sidoo kale waxay daaqadda ka tuurtay soo jeedinta ah in la soo dhiso 70 deegaan baarlamaneed oo dheeraad ah taasoo lagu sheegay sharci darro.
Sidoo kale waxaa la buriyay guddigii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu u xilsaaray dardargelinta howlaha sharci beddelka ee BBI maadaama ay maxkamaddu sheegtay in si sharci darro ah lagu soo dhisay.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii xildhibaanada baarlamaanka iyo xubnaha aqalka sare ay si aqlabiyad leh u ansaxiyeen qorshaha sharci beddelka ee BBI balse hadda meesha laga saaray ka dib markii ay maxkamaddu tixgelisay dacwado dhowr ah oo looga soo horjeeday hannaankan.