Ciidamada booliiska ee ismaamulka Nairobi ayaa saaka deegaanka Njiru ku toogtay qof dadweynaha ka dhacayay taleefoonnada gacanta, mootooyinka iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.
Ian Omondi Achoki oo loo yaqaan ‘Iano’ ayaa la sheegay in uu mooto ka xaday agagaarka KCC ee deegaanka Njiru ee magaalada Nairobi.
Waxaa la dilay xilli isaga iyo booliiska ay israsaaseyn ku dhexmartay aaga Baargmo oo ku taalla xaafadda Kirima ee magaalada Nairobi.
Waxaa howlgalka lagu toogtay burcadkan lagu soo helay bastoolad, xirmooyin dhowr oo rasaas ah, taleefoonnada gacanta iyo mooto.
Haweeney la sheegay inay tahay xaaska Achoki oo lagu magacaaba Stella Nyambura ayaa sidoo kale la xiray si ay gacan uga gaysato baaritaannada.
Burcadka la dilay ayaa sidoo kale lala xiriiriyay dil dhawaan wiil soomaali ah loo gaystay xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi.
Qaar ka mid ah dadkii uu dhaca u gaystay ayaa warbaahinta la hadlay.