Guddiga EACC oo u yeeray maamule ku xigeenka jaamacadda Moi

0
162

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee (EACC) ayaa u yeeray ku xigeenka maamulaha jaamacadda Moi ,Isaac Kosgei.
Tani ayaa qayb ka ah baaritaanno lagu sameynaya fadeexad musuqmaasuq oo la rumeysan yahay in lagu lunsaday in ka badan 2.18 bilyan oo shilin.
EACC ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Kosgei laga doonaya inuu maanta guddiga ka soo hormuuqdo si uu uga jawaabo su’aallo la xiriira ku tagriifalka raasimaalka jaamacaddaasi.
Baaritaanka oo lagu tilmaamay mid heerkiisu sarreeya ayaa sidoo kale lagu bartilmaameedsanaya saddex saraakiil sar sare ah.
Waxaa si gaar ah loogu eegaya lunsashada lacago loogu talagalay fulinta mashaariicda horumarineed ee jaamacadda Moi.
Afhayeenka guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC Eric Ngumbi, ayaa sheegay in Kosgei uu wajahaya eedeymo dhowr ah oo ku saabsan wax isdaba marin dhaqaale.