Ku xigeenka guddoomiyaha baarlamaanka dalka Gladys Boss Shollei ayaa baadariyaasha kaniisadaha Catholic-ga ku dhaliishay in ay si guud u eedeeyeen dowladda oo aynan soo jeedin waxyaabaha xalka noqon karo.
Shollei oo u warramaysay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa hoosta ka xarriiqday in baadariyaasha ay xamaasad abuureen iyagoo aan caqabadaha jira si cad u sheegin.
Shirkii jaraaid ee ay qabteen hoggaamiyaasha kaniisadaha Catholic-ga ayay maamulka talada haya ku eedeeyeen musuqmaasuq,ballamo aan la oofin, been iyo fulinta mashaariic aan mudnaan lahayn.
Hasa ahaate, madaxweyne William Ruto oo xusay inuu soo dhaweynaya dhaliilaha waxtarka leh ee loo jeediyo maamulkiisa ayaa dhanka kale sheegay in ay lagama maarmaan tahay in eedeymaha ay noqdaan kuwo xaqiiqada ku saleysan .