Dowladaha Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka ayaa wada saxiixday heshiis lagu tilmaamay mid taariikhi oo dhanka gaashaandhigga ah.
Waxaa sidatan ku warramaysa warbaahinta xukuumadda Pyongyang ee KCNA.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo walaac heer caalami ah laga muujinaya isku soo dhawaanshaha militari ee Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi.
Heshiiskan oo horudhac ahaa ayaa 19-kii bishii Lixaad ee sanadkan lagu saxiixay magaalada Pyongyang ka dib safar uu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ku tagay Kuuriyada Waqooyi.
Is-afgaradkan ayaa dhigaya in labada dowladood laga doonaya in ay iska garabsadaan arrimaha difaaca xilli kasta oo midkood uu u baahdo caawimaad degdeg ah oo looga falcelinaya waxa lagu tilmaamay gardarro.