Kenyaanka oo lagu boorriyay in ay garab siiyaan laamaha ammaanka

0
153

Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Raymond Omollo ayaa dadweynaha kula taliyey in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka.
Waxaa uu soo jeediyay in saraakiisha lala wadaago xogaha muhiimka ah ee horseedi kara in laga hor tago falal dambiyeedyada.
Omollo ayaa difaacay waxqabadka booliiska oo uu sheegay inuu yahay mid ku saleysan dastuurka dalka.
Xoghayaha ayaa intaasi ku daray in ciidamada ammaanka ay xaalado adag ku shaqeeyaan sidaasi awgeedna ay lagama maarmaan tahay in la taageero.
Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja oo baaq kani la mid ah diray ayaa dhanka kale shacabka ka codsaday in ay u hoggaansamaan xeerarka waddanka u degsan.
Mas’uuliyiintan ayaa ka qayb galay munaasabad loogu mahadcelinayay saraakiisha ammaanka iyo qoysaskooda oo lagu qabtay ismaamulka Nairobi.