Taageerayaasha koox kubadda cagta e Israa’iil oo lagu weerarray magaalada Amsterdam

0
461

Booliiska dalka Holland ama Netharlands ayaa xabsiga u taxaabay 57 qof oo laga kaxeeyay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Amsterdam, ka dib markii ay dhaceen isku dhacyo u dhexeyay dhallinyaro u dhashay waddankaasi iyo taageerayaasha koox kubadda cagta ee Israa’iil.
Ra’iisul wasaaraha dalka Netherlands Dick Schoof, ayaa cambareeyay weerarkan oo ku tilmaamay kuwa nacayb ku saleysan ee ka dhanka ah Yuhuudda.
Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in magaalada Amsterdam loo diray laba diyaaradood oo badbaado ah, ka dib markii ay dhaceen wax ay milateriga israa’iil ugu yeereen dhacdooyin rabshado ah oo ka dhan ah Yuhuudda.
Taageerayaasha kooxda kubadda cagtaa Maccabi Tel Aviv, ayaa u safray magaalada Amasterdam, si ay uga qayb galaan kulan ka tirsanaa koobka Europa League, oo ay la lahaayeen kooxda Ajax.
Cayaartaasi ayaa ku soo idlaatay 5-0 ay guusha ku raacday kooxda Ajax.