Hoggaamiyaha ugu sarreeya ee dalka Iiraan Ayatullah Cali Khamenei ayaa wacad ku maray in Maraykanka iyo Israa’iil ay la kulmi doonaan falcelin culus.
Bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay in marnaba aynan fududeysan karin tallaabo kasta oo ka dhan ah Iiraan.
Waxaa uu sheegay in Israa’iil iyo Maraykanka oo taageera loo ciqaabi doono falalka militari ee ka dhanka ah xukuumadda Tehraan.
Mas’uulkan ayaa carrabka ku adkeeyay in Iiraan ay si buuxda ugu diyaar garowday qaadidda tallaabooyin militari, kuwo siyaasadeed iyo kuwa tasiilaadka si la iskaga caabiyo waxa uu ku sheegay doqonnimo heer caalami ah.