Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Guddoomiyaha Wajeer ee xilka laga qaaday oo beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay

Guddoomiyaha Wajeer ee xilka laga qaaday oo beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay

Dhagaysiga eedeymaha loo soo jeediyay gudoomiyaha xilka laga qaaday ee Wajeer Maxamed Cabdi ayaa ka bilaabatay aqalka Senate-ka subaxnimadii maanta.
Dhageysiga ayaa bilaabmay 10.15am iyada oo labada dhinacba ay hor yimaadeen 11 xubnood oo ka tirsan guddiga dhageysiga kiiska ee aqalka sare.
Barasaabka ayaa waxaa matalaya koox qareeno ah oo ay hor kacayaan Paul Nyomodi iyo Ndegwa Njeru.
Dhinaca golaha hoose ee ismaamulka Wajeer waxaa matalaya La taliye Sare Axmednasir Cabdullahi.
Barasabka xilka laga qaaday Maxamed Cabdi ayaa diiday dhammaan eedeymihii ay u soo jeediyeen golaha hoose ee deegaanka Wajeer.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in eedaha lagu soo oogay aysan run ahayn, wuxuuna intaas ku daray inuusan dambiile ahayn.
Maamulaha Wajeer ayaa wajahayaa laba dacwadood oo ballaaran oo kala ah inuu si weyn ugu xadgudbay Dastuurka, Sharciga Dowladaha Hoose ee 2012, Xeerka Soo iibsiga iyo Hantida Dadweynaha 2015 iyo Xeerka Maareynta Maaliyadda Dadweynaha 2012 iyo ku takrifal xafiiska iyo sido kale anshax xumo.
Dacwada koowaad, wakiilada golaha hoose ee Wajeer ayaa guddoomiyaha ku eedeeyay inuu jabiyay dhawr sharci oo ku saabsan qandaraaska isla markaana uu doorbidhay shirkado xiriir la leh qoyskiisa.
Eeda labaad, waxay ku eedeeyaan gudoomiyaha inuu ku dhaqmo eex, qaraabo kiil iyo waxqabadyo kale oo aan habooneyn.
Waxaa sidoo kale loo haystaa tixgelin la’aanta waajibaadka golaha hoose ee ismaamulka Wajeer iyo carqaladeynta shaqooyinkiisa
In uunan ku guulaysan soo dhisidda madasha miisaaniyadda ee Wajeer.
In aan la jeedin khudbadda sanadlaha ee xaaladda ismaamulka iyo waxqabadka maamulka.
Inuusan saddexdii sano ee ugu dambeeyay uunan golaha waydiisan ansaxinta isticmaalka dhaqaalaha lagu maareeyo howlaha degdegga ah.
19 akoono bangiyadeed oo uga shaqeeya bangiyada maxalliga.
Dhaqaale dhan 409 milyan oo aan la ogayn sidii loo isticmaalay intii u dhexeysay 6-dii oktoobar ee 2017-kii ilaa 29-kii bishii lixaad ee sanadkii 2018-kii.
Agab la soo iibsaday iyo adeegyo la fidiyay oo uu ku baxay qarash dhan ugu yaraan 172 milyan oo shilin.
Bixinta qandaraas la siiyay shirkad aan khibrad buuxda u lahayn howlaha dhisamaha ee adeegyada biyaha oo ay ku baxday 34 milyan.
Dhageysiga kiiska ayaa hadda ka socda aqalka Senete-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments