Israa’iil oo 93 qof maanta ku dhishay Waqooyiga Qaza

0
325

Warbixin uu soo saaray ururka difaaca rayidka ee marinka Qaza ee ayaa sheegay in ugu yaraan 93 qof ay ku dhinteen duqeyn hawada oo ay Israa’iil ka gaysatay dhismo la deggan yahay oo ku yaalla magaalada Beit Lahiya ee Waqooyiga Qaza ee dalka Falastiin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dad badan ay weli ku xayiran yihiin burburka hoostiisa.
Qaar ka mid ah dadka ku dhintay duqeyntaasi ayaa ahaa haween iyo carruur, sida ay laga soo xigtay wakaaladda wararka Falastiin ee Wafa.
Dhismaha la duqeeyay oo ka koobnaa shan dabaq ayaa hooyi u ahaa ku dhawaad 150 qof oo barakacayaal ah.
Israa’iil weli kama hadlin duqeyntan oo ay dadka badan ku dhinteen.