Madaxweyne ku xigeenkii xilka laga qaaday Rigathi Gachagua ayaa kenyaanka ku boorriyay in ay u duceeyaan madaxweynaha dalka William Ruto.
Waxaa uu sheegay in ducada shacabka ay hoggaamiyaha ka caawin karto xallinta caqabadaha jira sida canshuurta dheeraadka ah iyo dhibaatooyinka caafimaadka.
Arrintan ayuu ka sheegay ismaamulka Kiambu ee gobolka bartamaha dalka.