Safaricom oo u dabbaal dagaysa 24 sano oo ah isku xir iyo u adeegidda macaamiisheeda

0
364

Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa u dabbaal dagaysa 24 sano oo ah isku xir iyo u adeegidda macaamiisheeda.
Waxay u mahadcelinaysa malaayiinka kenyaanka ah ee in ka badan 20 sano ka hor noloshooda ku soo dhaweeyay Safaricom.
Safaricom ayaa sheegtay in labaatankii sano ee la soo dhaafay ay ahayd shirkad isgaarsiineed oo kaalin muhiim ah ka qaadatay isbeddellada tignoolajiyadda iyo kobaca dhaqaale ee waddanka.
Shirkadda ayaa intaasi ku dartay inay door muhiim ah ka ciyaartay kor u qaadida isku xirka shabakadaha intarneetka.
Laanta shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom u qaabilsan arrimaha tabarucaadda ee Safaricom Foundation ayaa sidoo kale balaayiin shilin ku maalgalisay dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, xoojinta dhaqaalaha iyo mashaariicda ilaalinta deegaanka, kuwaas oo dhamaantood loogu talagalay in kor loogu qaado bulshooyinka ku nool waddanka.
Shirkadda Safaricom ayaa sheegtay inay ka go’an tahay in ay horseeddo isbeddel bulsho oo wanaagsan iyo in ay saameyn joogto ah ku yeelato nolosha dadka kenyaanka ah.