Booliiska Kirinyaga oo xiray koox burcad ah oo lala xiriirinayo in ay xoolo xadeen

0
503

Booliiska deegaanka Ndia ee ismaamulka Kirinyaga ayaa gacanta ku dhigay koox dambiilayaal ah oo ka kooban lix xubnood oo ka dambeeyay fal xatooyo xoolo ah oo ka dhacay deegaankaasi.
Taliyaha booliiska ee galbeedka Kirinyaga Moses Koskei ayaa warbaahinta u sheegay in laamaha ammaanka ay heleen xog ku saabsan in tuulada Kahiro laga gaystay dhaca saddex neef oo lo’ ah.
Waxaa uu intaas ku daray in saraakiisha ammaanka ay ku daba jireen burcadda dhaca gaysatay tan iyo markii ay xadeen saddexda neef.
Eedeysanayaasha ayaa lagu wadaa in maanta maxkamad la soo taago.