116,269 Kenyaan oo taageeray qorshaha xilka looga qaadaya madaxweyne ku xigeenka

0
226

Waxaa maanta baarlamaanka dalka lagu soo bandhigay natiijadii ka soo baxday aragtadii dadweynaha ee ku aadanayd qorshaha xilka looga qaadaya madaxweyne ku xigeenka waddanka Rigathi Gachagua.
Natiijada ayaa waxaa ku cad in inta badan dadweynihii ka qayb qaatay aragtida ay taageersan yihiin mooshinka xilka looga qaadaya madaxweyne ku xigeenka.
Dukumeenti uu golaha qaran ee xeer dejinta maanta soo saaray ayaa lagu sheegay in 116,269 Kenyaan ah oo ka qayb qaatay aragtida dadweynaha ay u codeeyeen in ku xigeenka madaxweynaha dalka xilka laga xayuubiyo, halka 69,195 ruux ay ka soo horjeesteen mooshinka ka dhanka ah Gachagua
4-tii iyo 5tii bishan ayaa ahayd markii dadweynaha laga qayb geliyay mooshinka ka dhanka ah Gachagua.
Kenyaanka ayaa dhanka kale dowladda ku dhaliilay in ay mudnaanta siisay xil ka qaadista Gachagua, halkii looga baahnaa inay xoogga saarto xal u helidda qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua uu 5-ta galabnimo ee maanta hortegi doona baarlamaanka si uu isaga difaaco 11 eedeymo oo loo cuskanaya qorshaha la doona in xilka looga qaado.