Booliiska Soomaaliya oo Muqdisho ku soo bandhigay 24 dhallinyaro ah oo ku eedeysan falal amaan darro

0
153

Howlgal ay fuliyeen ciidanka booliiska Soomaaliyeed ee gobalka Banaadir ayaa lagu soo qabtay kooxo ku eedeysan inay ciyaal weero yihiin, kuwaas oo gaaraya 24 dhalinyaro ah.
Kooxahan ayaa ku eedeysan in shalay garoonka ciyaaraha ee Eng. Yariisoow oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho ay ka gaysteen falal amniga liddi ku ah.
Dhallinyaradan ayaa loo haystaa inay fowdo ka kiciyeen garoonka, iyagoo markii hore ku yimid inay yihiin taageerayaal.
Booliiska ayaa soo qabqabtay iyagoo qaarkood gacanta kula jira falalka ay ku eedeysan yihiin, waxaana laga xiiray tinta, xilli ay xalay ku hooydeen xabsiga.
Waxaa ay booliiska soo bandhigeen dhallinyaradan oo tinta laga xiiray, islamarkaana baaritaan ka dib loo maxkamadeyn doono falalka lagu soo eedeeyey ee ciyaal weerarnimada ah.
Sida lagu sheegay qoraalka, Howlgalkan waxaa amray taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya Asad Diyaano oo maalinkii uu xilka la wareegay ballan qaaday in wax amni darro ah aysan Muqdisho ka dhici doonin, inta ay awooddaana ay ka hortegi doonaan.