DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Itoobiya aysan ka mid noqon doonin howlgalka cusub haddii aysan ka laaban heshiiska badda

0
96

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamad Nuur ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan uu billaaban doono howlgalka cusub ee badalaya ATMIS.
Waxaa uu sheegay in howgalka cusub ee loogu magac daray AUSSOM aysan ka mid noqon doonin ciidamada Itoobiya, haddii ay ka noqon weydo heshiiskii ay la gashay Somaliland.

Hadalka ka soo yeeray wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, iyadoo marba marka ka dambeysa ay sii kordheyso xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiis Itoobiya ay la gashay Somaliland.