Jimi Wanjigi oo sheegay in naftiisa ay halis ku jirto xilli albaabka hore ee gurigiisa dhiig lagu daadiyay

0
232

Ganacsadaha lagu magacaabo Jimi Wanjigi ahna hoggaamiyaha xisbiga Safina ayaa sheegay in naftiisa ay halis ku jirto ka dib markii dad aan la garaneyn ay dhiig ku daadiyeen meel u dhow albaabka hore ee gurigiisa.
Waxaa uu sheegay in labo nin oo wajiga u daboolna ay dhiigo xayawaan ku daadiyeen meel dhow gurigiisa, ka hor inta aysan goobta ka tegin.
Jimi Wanjigi ayaa intaasi ku daray in shakhsiayaadkaasi ay adeegsanayeen gaari nooca raaxada ah.
Waxaa uu sheegay in mar kasta oo uu ka soo baxo gurigiisa lagu daba jiro.
Ganacsadahan ayaa xusay in isaga iyo qoyskiisa ay ku adkaatay inay isticmaalaan taleefoonnadooda iyo daawashada taleefishinka.
Waxaa uu sheegay in 27-kii maalmood ee u dambeeyay baabuur uu albaabka gurigiisa soo istaagayay, iyadoo la waxyeelanayay aaladaha isgaarsiinta ee gurigiisa.
Jimi Wanjigi ayaa intaasi ku daray in maalin kasta uu banaanka u soo baxo iyo goob walbo oo uu tago ay labo baabur ku daba jiraan.
Waxaa uu madaxweynaha dalka William Ruto ku eedeyay inuu arrintan ka dambeeya.
Wanjigi uu hoosta ka xarriiqay in aysan cidna ka hor istaagi karin inuu u ololeeya isbeddel uu ku doonaya maamul wanaagsan.
Ganacsadahan ayaa la xiriiriyay dibadbaxyadii waddanka ka dhacay ee looga soo horjeeday dowladda.