Koox madaxweyne Ruto ku dhaliishay inuu guddi u magacaabay hannaanka maalgelinta jaamacadaha

0
298

Koox u ololeysa wanaajinta howlaha waxbarashada oo loo yaqaano Elimu Bora ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ku dhaliishay inuu guddi ka kooban 129 xubnood u magacaabay inuu dib u eegis ku sameeyo hannaanka cusub ee maalgelinta tacliinta jaamacadaha ee waddanka.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa tallaabadan qaaday ka dib walaac ay nidaamkan ka muujiyeen daneeyayaasha arrimaha waxbarashada.
Kooxdan ayaa bayaanka ay maanta soo saartay ku sheegtay in hannaanka hadda jira lagala kulmaya dhibaato wayn sidaasi awgeedna magacaabidda guddiga ay keliya tahay xeelad dib loogu sii dhigaya isbeddellada degdegga ah ee dhanka waxbarashada.
Elimu Bora oo ka mid ah ururrada bulshada ee dalka ayaa intaasi ku dartay in tan iyo markii la billaabay nidaamka cusub ee maalgelinta tacliinta sare ee waddanka , in ku dhawaad 600,000 oo arday ah ay ka gaabsadeen in ay jaamacadaha ku biiraan halka ugu yaraan 23,000 ay iska diideen in ay codsiyo gudbiyaan caqabado dhaqaale oo haysta awgeed.
Kooxdan ayaa intaasi ku dartay in ugu yaraan 385,000 oo ah arday u qalmo in ay bartaan culuunta heerarka shahaadooyinka Diploma iyo Certificate aynan waxbarashadu sii wadan karin maadaama lagu diiwaangeliyay qaybaha maalgelinta oo xaddidaya.
Bayaanka Elimu Bora waxaa ku xusan in ay dalbanayaan in dib loogu laabto hannaankii hore ee maalgelinta tacliinta sare ee dalka si loo xaqiijiyo in dhammaan ardayda u xaq leh ay helaan fursad waxbarasho.
16-kii bishan Sagaalaad ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu wargeyska rasmiga ee dowladda ku soo daabacay guddi qaran oo ka kooban 129 xubnood si ay dib u eegis ugu sameeyaan nidaamka ay dood qaran ka taagan tahay sida uu wax ku ool u noqon karo.