DHAGEYSO:Rag hubaysan oo lagu qabtay xaafad ka tirsan magaalada Garissa

0
744

Howlgal qorsheysan oo ay sameeyeen laamaha ammaanka ee magaalada Garissa ayaa lagu soo qabtay laba nin oo burcad ah.
Raggan ayaa laga soo qabtay xaafadda Burburis ee ku taalla waaxda galbeed ee duleedka magaalada Garissa.
Labada nin ayaa lagu kala magacaaba Cali Issack Muxumad oo loo yaqaano ‘Gographia’ iyo Baashane.
Raggan ayaa ka mid ahaa burcadda ugu weyn ee magaalada Garissa, iyagoo lagu soo qabtay hub kala duwan oo isugu jiro qori nooca AK 47, baangad, tooreey iyo agab kale.
Waxaa la rumaysan yahay in hubkan ay dhaca u adeegsan jireen.
Waxaa sidoo kale lagu qabtay gaari nooca Alto.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo billooyiinkii la soo dhaafay magaalada Garissa ay ku soo bateen dhaca iyo dilalka sharci darrada ah.
Raggan gacanta lagu soo dhigay ayaa ka mid ahaa tuugada khalkhalka iyo dhibaatada ku haysay shacabka ku nool magaalada Garissa.
Haweeneey lagu magacaabo Xabiibo Yuusuf ayaa iyaduna gacanta lagu soo dhigay taasi oo lagu eedeeyay in ay martigalineysay raggan hubeysan.
Howlgalka lagu soo xiray eedeysanayaasha ayaa waxaa horkacayay taliyaha booliiska ee magaalada Garissa iyo guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe ku matala ismaamulka Garissa Thomas Bett.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa ayaa ka warbixinaya howlgalka ay ku soo qabteen burcaddan.