Maxkamadda sare oo sharci darro ku tilmaantay sanduuqa horumarinta ee NG-CDF

0
282

Maxkamadda sare ee dalka ayaa sanduuqa qaran ee horumarinta deegaannada ee NG-CDF ku tilmaantay inuu yahay mid sharci darro ah oo aan dastuuri ahayn.
Waxay maxkamadda sare xukuntay in sharciga NGCDF-ta ee xeerka sanadkii 2015-kiii, kaas oo xubnaha baarlamaanka u ogolaanayay inay maareeyaan lacagaha sanduuqa qaran ee horumarinta deegaannada uu meel ka dhac ku yahay qaybinta dakhliga iyo sharciga guud ee maaliyadda.
Saddex garsoorayaal oo kala ah Kanyi Kimondo, Mugure Thande, iyo Roselyne Aburili ayaa ku dhawaaqay in sharcigan uu yahay mid aan dastuuri ahayn iyaga oo sabab uga dhigay in golaha qaran ee xeer dejinta uu ku guuldareystay in uu la tashado aqalka sare markii sharcigan la meelmariyay.
Maxkamadda ayaa sheegtay in sanduuqa NG-CDF uusan sii shaqeyn doonin wixii ka dambeeya 30-ka bisha Lixaad ee sanadka 2026-ka.
Sanadkii 2013-kii ayay ahayd markii maxkamadda racfaanka ee dalka ay oggolaatay dhaqangelinta xeerka CDF-ta.
Sanduuqa horumarinta deegaannada ee CDF-ta ayaa la aasaasay sanadkii 2003-dii, si ay ugu suurtagasho dowladda in ay meel dhigto ugu yaraan 2.5 boqolkiiba dakhligeeda caadiga ah oo ay u gudbiso dhanka sanduuqa horumarimta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here