Ku xigeenka taliyaha guud ee booliiska oo tegay maxkamadda xilii uu raaligelin ka bixiyay amarradii maxkamadeed ee uu dafiray

0
102

Ku xigeenka taliyaha guud ee booliiska gaar ahaan ciidamada qaabilsan dhanka maamulka Gilbert Masengeli ayaa maxkamadda sare ee dalka ka raaligeliyay in uu ku guuldaraystay u hoggaansanka amarro maxkamadeed oo isaga ka dhan ahaa.
Masengeli oo qiray in amarrada maxkamadda ay tahay in loo hoggaansamo ayaa ballan qaaday inuu si sharciga waafaqsan ula shaqeyn doona garsoorka.
Waxaa uu tilmaamay in si aan ku talagal ahayn uu uga maqnaa dhageysiga dacwadda isaga ka dhanka ah.
Masengeli ayaa xusay in xilligaasi uu ku howlanaa arrimo amni ee ismaamullada Lamu iyo Marsabit.
Dhanka kale, ku xigeenka taliyaha guud ciidanka booliiska dalka ayaa maanta tegay maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi si uu sumcaddiisa u ilaashado.
Masengeli ayaa waxaa wehlinaysay xeer ilaaliyaha guud ee dalka Dorcas Oduor oo hoggaamineysay saraakiisha dowladda ay difaacaya sarkaalkan.
Maxkamadda dalka ayaa 13-kii xukun xabsi oo 6 bilood ah ku ridday taliyahan.
Hasa ahaate, maxkamadda ayaa muddo 7 cishe ah oo maanta ku ekayd u qabatay sarkaalkan si uu ugu hoggaansamio amarradii loogu yeeray.
Masengeli ayaa muddadii u ahaa sii hayaha xilka taliyaha booliiska la doonayay inuu ka jawaabo halka ay ku maqanayeen saddex qof oo maanta iyagoo badqaba la haley.
Tani ayaa ku soo aadeysa iyadoo saaka ay xurriyadooda dib u heleen Jamil Longton, walaalkiisa oo lagu magacaabo Aslam Longton iyo Bob Njagi oo u ololeeya arrimaha bulshada kuwaas oo la waayay bishii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here