Xildhibaan hore oo ku eedeysan inuu xaday warqadda lahaanshaha dhul qiimihiisu yahay 18.5 milyan oo shiliin

0
138

Xildhibaankii hore ee deegaan baarlamaaneedka Bariga Laikipia Antony Mutahi Kimaru ayaa iska fogeeyay dacwad lagu soo oogay oo la xiriirtay inuu xaday warqadda lahaanshaha dhul qiimihiisu yahay 18.5 milyan oo shiliin oo ku yaalla magaalada Nanyuki.
Garsooraha maxkamada Milimani Bernard Ochoi ayaa sheegay in xeer ilaalinta aysan caddeynin in xidhibaanka uu xaday warqadda lahaanshaha dhulka oo ay leedahay shirkadda Livia Le Poer Trench.
Kimaru ayaa sidoo kale lagu soo oogay dacwad been abuur ah, oo la xiriirta sameynta dukumeenti faalis ah iyo inuu si been abuur ah u diiwaangeliyey dhulkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here