Militeriga Mali oo sheegay inay fashiliyeen weerar lala damacsanaa

0
286

Milateriga dalka Mali ayaa sheegay in ay fashiliyeen iskuday ay kooxo hubeysan saaka ku doonayeen in ay ku galaan xarumaha millitari ee gendarmerie ee magaalada caasimadda ah ee Bamako.
Kooxda weerarka gaysatay ayaa ridday rasaas cabsi gelisay dadka deegaanka.
Ma cadda kooxda ka dambeysa dhacdadan, balse muuqaallada ayaa muujinaya qiiq aad u badan oo hawada isku shareeray meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Bamako.
Milateriga waddanka Mali ayaa sheegay in xaaladda ay hadda gacanta ku hayaan, iyadoo ay socdaan howlgallo lagu baadigoobayo kooxdii weerarka soo qaadday.
Dalka Mali waxaa hadda maamula militariga waddankaasi oo afgambi ku qabsaday.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here