Dowladda dhexe ayaa sheegtay in kenyaanka iska diiwaangeliyay hannaanka caymiska cusub ee caafimaadka bulshada ee (SHIF) ay kor u dhaafayaan 1.2 milyan oo qof.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Deborah Barasa ayaa dadweynaha ka codsatay inay isku diiwangeliyaan caymiska cusub ee caafimaadka oo lagu beddelaya NHIF.
Waxay sidoo kale fartay dhammaan shaqaalaha dowladda in ay iska diiwaangeliyaan caymiska cusub.
Dr. Deborah Barasa ayaa ay hoosta ka xarriiqday in dowladdu ay hadda diiradda saareysa sidii dadweynaha loogu sameyn lahaa wacyi gelin ku aaddan geeddisocodka looga wareegaya caymiskii NHIF ee loogu gudbaya SHA mise SHIF.