DHAGEYSO:Booliiska magaalada Eldoret oo gacanta ku dhigay dad looga shakisan yahay xatooyada mootooyinka

0
283

Saraakiisha booliiska ee magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu ayaa gacanta ku dhigay dad looga shakisan yahay xatooyada mootooyinka.
Taliyaha booliiska ee ismaamulka Uasin Gishu, Benjamin Mwanthi ayaa sheegay in heleen 80 mootooyin ah kuwaas oo la soo xaday.
Waxaa uu intaasi ku daray in qaar ka mid ah mootooyinka la soo xaday qayb qayb loo jarjaray islamarkaana la iibiyay.
Taliyaha ayaa ka codsaday shakhsiyaadka ee mootooyinka ka maqan yihiin inay tagaan saldhigga dhexe ee booliiska ee magaalada Eldoret.
Waxaa uu sheegay in dhacdooyinkan loo xiray afar qof, iyadoo lagu dabo jiro tuhmanayaal kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here