Nairobi: Dugsiga sare ee Dagoretti oo albaabada la isugu laabay

0
371

Waxaa lagu soo warramayaa in albaabada la isugu laabay dugsiga sare ee Dagoretti ee magaalada Nairobi, ka dib markii ay rabshad dhexmartay ardayda dhexdooda.
Rabshadda ayaa ka dhalatay ciyaarta kubadda kolayga ah oo labo kooxood ardayda ka mid ah ay wada ciyaarayeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 11 arday ah la dhigay isbitaallo kala duwan kuwaas oo dhaawacyo soo gaareen.
Maamulka dugsigaasi ayaa sheegay in xiritaanka uu ahaa mid lagu sugayo badqabka guud ee ardayda.
Ardayda rabshaddu dhexmartay ayaa sidoo kale burburiyay qaybo ka mid ah agabka dugsigaasi.
Waxaa saaka halkaasi la geeyay askar badan oo booliis ah, si ay xaaladdu u dejiyaan.
Ardayda oo labo koox isku qaybiyay ayaa isu adeegsaday qoryo iyo dhagxaan, islamarkaana ay waxyeelo isgaarsiiyeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here