DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ka digay ololaha 2027

0
130

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa kaniisad ku taalla ismaamulka Nyeri waxaa uu madaxda uga digay in ay xilli hore ku mashquulaan sidii sanadka 2027-da dib loogu soo dooran lahaa.
Waxaa uu xusay in xilligaasi marka la gaaro uu xil hoggaamineed ku guulaysan doono qofka uu Alle u qoro oo ayna shacabka codkooda ku taageeraan.
Waxaa uu hoggaamiyaasha ku boorriyey in ay hadda diiradda saaraan sidii ay ugu adeegi lahaayeen shacabka.

Madaxweyne William Ruto ayaa dhanka kale madaxda ka codsaday in ay midnimada iyo horumarinta dalka ku dadaalaan oo ay ka fogaadaan kala qaybinta dadweynaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here