Senatarka Mandera oo cambaareeyay maqnaanshaha wakiilka deegaanka hoose ee Deella

0
99

Senatarka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa cambaareeyay maqnaansha wakiilka deegaanka hoose ee Deella Yuusuf Xuseen.
Waxaa uu sheegay in aan la aqbali karin inuu dhaco afduub uu madaxweynaha dalka William Ruto ballan qaaday inuunan dhici doonin inta uu hoggaanka haya.
Waxaa uu waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da uu ka dalbaday inay caddeyso qaabkii iyo sababtii keentay in la waayo wakiilka deegaanka hoose ee Deella.
Waxaa uu Cali Roba sheegay in ay dalbanayaan isla xisaabtan iyo faahfaahin dhameystiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here