Dibadbaxyo looga soo horjeedo kufsiga oo ka dhacay Faransiiska

0
252

Waxaa waddooyinka magaalooyinka kala duwan ee dalka Faransiiska ka qabsoomay dibadbaxyo ay ka qayb qaateen kumanaan qof.
Dadkan ayaa dalbanayay in la soo afjaro falalka kufsiga iyo faraxumeynta ee ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.
Waxay taageero u muujiyeen haweeney lagu magacaabo Gisèle Pélicot, oo gudbisay dacwad ay ku sheegtay in kufsi wadareed loo gaystay.
Haweeneydan ayaa doonaysa in maxkamadeynta seygeedii hore iyo 50 eedeysanayaal oo kale oo ku xadgudbay ay noqoto mid ay dadweynaha si fagaare ah ula socdaan.
Waxay tilmaantay in tani ay abuuri karto wacyi gelin dadweyne oo ka dhan ah in maandooriye la adeegsato si loo gaysto tacaddi jinsiyadeed.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here