Baarlamaanka Senegal oo la kala diray

0
480

Madaxweynaha dalka Senegal Bassirou Diomaye Faye ayaa kala diray golaha baarlamaanka oo ay mucaaradku hoggaaminayeen.
Tani ayaa gogol xaar u ah doorasho xilligeedi laga soo horumariyay oo lagu qabo in ay waddankaasi ka qabsoonto 17-ka bisha 11-aad ee sanadkan.
Faye oo 6 bilood ka hor qabtay hoggaanka Senagal ayaa tallaabada uu qaaday u aaneeyay in ay adkaatay la shaqeynta golaha xeer dejinta.
Tani ayaa timid ka dib markii xildhibaannada ay diideen in la billaabo wada hadallo ku saabsan xeerka miisaaniyadda.
Sidoo kale ,waxay diideen dadaallada lagu jebinaya hay’adaha dowladeed ee ku tagriifalo kheyraadka qaran.
Khudbad uu jeediyay ayuu Faye ku sheegay inuu doonaya in shacabka ay si xor ah uga qayb qaataan isbeddelkii dhinaca nidaamka ee uu horay u ballan qaaday.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here