48 siyaasi oo ka soo jeedo ismaamullada gobolka Bartamaha dalka ayaa shir jaraaid oo ay qabteen ka sheegay in ay hoggaamiyahooda u aqoonsan yihiin wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki .
Waxay hoosta ka xarriiqeen in sida ay hadalka u dhigeen ay waayeen qof iyaga matala oo tabashooyinkooda dhanka horumarka u gudbiyo dowladda sare.
Waxay tani imaanaysa iyadoo madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua uu siyaasiyiinta Mount Kenya ku boorriyay in aynan ku mashquulin arrimo siyaasadeed.
Xildhibaanka deegaanka Lari ee ismaamulka Kiambu , Mburu Kahangara oo war-saxaafadeedka akhriyey ayaa sheegay in ay doonayaan in Kindiki fursad la siiyo marka la jaangooynaya hoggaanka ugu sarreeya ee mustaqbalka ee qaranka.