DHAGEYSO:Gachagua oo ka digay in aan siyaasad lagu mashquulin

0
313

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa hoggaamiyaasha siyaasadeed gaar ahaan kuwa gobolka Bartamaha waddanka ku boorriyay in aynan waqti xaadirkan ku mashquulin arrimo siyaasadeed oo laga maarmi karo.
Waxaa uu kula taliyay in ay diiradda saaraan u adeegidda shacabka oo ayna ka fogaadaan wax kasta oo kala qaybsanaan keeni karo.
Gachagua ayaa madaxda ka codsaday in ay isaga iyo madaxweynaha qaranka William Ruto garab ku siiyaan sidii loo oofin lahaa ballan qaadyadii horumarineed ee xilligii ololaha doorashada.
Waxaa uu u bandhigay in ay wada shaqeeyaan iyadoo aan la eegayn garabyada siyaasadeed ee dalka ka jiro.

Tani ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka Bartamaha ay shaaciyeen in wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki uu yahay afhayeenka arrimaha siyaasadda ee gobolka oo aynan ku qanacsanayn hoggaanka Gachagua.