63 qof oo ku dhintay duufaanta Yagi ee Vietnam

0
318

Ilaa iyo hadda 63 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen duufaanta xooggan ee Yagi iyo daadadka saameeyay Waqooyiga dalka Vietnam.
Waxaa la la’yahay 40 ruux oo kale iyadoo ay dhaawacmeen ugu yaraan 752 qof.
Digniinnada la xiriira fatahaadaha iyo dhul go’a ayaa laga soo saaray 17 gobol oo ku yaalla Waqooyiga Vietnam.
Maamullada saadaasha hawada ee dalka Vietnam ayaa sheegay in duufaanta Yagi ay tahay midii ugu darnayd ee la diiwaangeliyay muddo 30 sano ah.