Wadayaasha baabuurta xamuulka ee dalka ayaa soo saaray wargelin ah in ay labo toddobaad ka dib guda galayaan shaqo joojin.
Waxay walaac ka muujinayaan falal amni darro iyo bartilmaameedsi iyaga ka dhan ah oo ku soo kordhay waddooyinka wayn ee u dhexeeya Kisumu- Busia -Eldoret- Malaba.
Waxay sheegayaan in maalin cad darawaliinta baabuurka xamuulka dhac loo gaysto.
Wadayaasha ayaa hoosta ka xarriiqay in bil gudaheeda la weeraray 10 darawaliin ah oo mid la dhaawacay uu ugu dambeyn geeriyooday.