Barasaabka Machakos oo beenisay in lagu xiray Ingiriiska

0
187

Guddoomiyaha ismaamulka Machakos Wavinya Ndeti ayaa beenisay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ahaa in iyada iyo xubin ka mid ah qoyskeeda lagu xiray boqortooyada Ingiriiska ee UK xilli ay isku dayeen in ay boqolaal milyan oo shilin ku keydiyaan akoon bangiyeed .
Bayaan ay maanta soo saartay ayay Wavinya ku xustay in wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah oo ay ka dambeeyeen dad ay siyaasad ahaan is hayaan.
Waxay hoosta ka xarriiqday in ay ka war heshay olole sumcad dil ah oo ay soo abaabuleen ayna faafiyeen shakhsiyaad doonaya in ay ka weeciyaan diiradeeda siyaasadeed gaar ahaan isbeddelka horumarineed ee ay ka wado Machakos.
Barasaabka Machakos ayaa sheegtay in loo gafay garaadka dadweynaha ismaamulkaasi iyo si guud kenyaanka.
Waxay xaqiijisay in iyada iyo qoyskeedaba aynan wax dhibaato ah ku qabin gudaha iyo dibadda dalka.
Wavinya Ndeti ayaa wacad ku martay in ay tallaabo sharciyeed ka qaadi doonto kuwa faafinaya xogaha been abuurka ah waxayna dadka dhaliilsan ka dalbatay in ay soo bandhigaan caddeymo wax ku ool ah oo muujinaya in lagu xiray UK.
Guddoomiyaha ayaa intaasi ku dartay in la aqoonsan doono oo sharciga lala tiigsan doono cidii ka been sheegtay.
Waxay tilmaantay in maamulkeeda uu tan iyo sanadkii 2022-kii uruuriyay dakhli dhan 1.7 bilyan oo shilin.