Eedeysanayaal lala xiriirinaya dilka arday dhiganayay jaamacadda Pwani oo la xiray

0
326

Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ee laanteeda ismaamulka Kilifi ayaa gacanta ku dhigay 2 eedaysanayaal oo lagu tuhmayo dilka arday sanadkii afaraad wax ka baranayay jaamacadda Pwani.
Eedeysanayaasha ayaa la qabtay ka dib markii warbixin ku aadan dilka ardayga loo gudbiyay saldhigga booliiska ee Kilifi.
Meydka ardayga ayaa gelinkii dambe ee shalay laga helay aaga Kisumu Ndogo ee dowlad deegaanka Kilifi.
Booliiska ayaa laga soo xigtay in meydka uu dhaawacyo jireed ka muuqday.
Waxaa uu sidoo kale booliiska sheegay in labada tuhmane ay gacan ka gaysanayaan baaritaannada iyadoo saraakiisha waaxda DCI-da ay guda galeen baaritaanada ku aadan sida uu dilka u dhacay.
Meydka ardayga ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee ismaamulka Kilifi.