Guddoomiyaha ismaamulka Mombasa Cabdulswamad Shariif Nassir ayaa waaxda gaadiidka qaybteeda qaabilsan dab damiska ku amray in ay laga billaabo maanta oo Isniin ah guud ahaan dugsiyada ku yaalla dowlad deegaankaasi ka sameyso kormeer lagu xaqiijinaya badqabka ardayda, macallimiinta iyo howlwadeennada kale.
Barasaabka ayaa saraakiisha faray in ay soo ogaadaan gaabadka dhanka badqabka ee ka jiro dugsiyada Mombasa iyo in ay tababar aasaasi ah u sameeyaan ardayda iyo macallimiinta.
Kormeerkan oo aan dugsiyada looga qaadayn wax lacag ah ayaa si gaar ah loogu eegaya in dugsiyada ay leeyihiin meelo haddii uu dab kaco si degdeg ah looga bixi karo iyo in ay leeyihiin agabka dab damiska.
Xilli uu ku sugnaa fagaaraha Tononoka Grounds ee deegaanka Mvita ayuu Cabdulswamad Shariif Naasir maamullada xarumaha kala duwan ee waxbarashada ugu baaqay in ay xaqiijiyaan u hoggaansanka xeerarka degsan.
Waxaa uu ismaamullada kale ee dalka kula taliyay in ay sidan oo kale sameeyaan si looga hor tago dhacdooyinka dabka ee ku soo badanaya dugsiyada waddanka.
Tani ayaa timid ka dib markii dab dhawaan saameeyay dugsiga hoose dhexe ee Hillside Endarasha Academy ee ismaamulka Nyeri, ay ku dhinteen 21 arday ah.